Rag aan haybtooda la garan ayaa saaka laba bam gacmeed ku tuuray xarunta maxkamadda darajada 1aad ee magaalada Boosaaso.
Ilaa hadda inta la ogyahay 5 qof oo mid ka mid ah uu shaqaale ka ahaa maxkamadda ayaa ku dhaawacmay.
Goob joogeyaal ayaa sheegay in ragga bamka tuuray oo lugaynayey ay goobta ka baxsadeen, halkaasoo ay markii dambe soo gaareen ciidanka amaanka.
Al-Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Weerarkaasi , waxaan ay sheegeen in ay Bambo Gacmeedyo ay ku Weerareen Xarunta Maxkamadda Darajada koowaad ee gobolka Bari.
Todobaadkii hore ayey ahayd markii sidaasoo kale bam gacmeed lagu tuuray bar koontarool ku taalla gudaha magaalada, ayadoo ay ku dhaawacmeen 3 askari oo midkood uu ahaa sarkaal ka tirsan ciidanka birmadka.


