Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Shil gaari oo saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho , gaar ahaan Wadada Makah Al-Mukaramah.
Shilka ayaa yimid ka dib markii gaari ay wateen Ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed oo noociiso yahay Cabdi Bile oo xowli ku socday uu jiiray dad iyo sidoo kale Gawaari yaallay Iridda hore ee Hoteelka Wehliye ee Muqdisho.
Inta la xaqiijiyay hal qof oo rag ah ayaa ku geeriyooday Shilkaasi, waxaana sidoo kale uu dhaawac soo gaaray labo ruux oo saarnaa gaariga ay wateen Ciidamada.
Gaariga Cabdi bilaha iyo sidoo kale gaari meesha yaallay oo ay laheyd Shirkad ayaa sidoo kale waxaa soo gaaray Burbur xooggan.
Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya oo soo gaaray goobta ayaa halkaasi ka qaaday dhaawaca labada Askari ee saarnaa gaariga dadka jiiray.