Faahfaahin Qarax ka dhacay Muqdisho

Qarax ayaa goor dhow  ka dhacay agagaarka warshadii hore ee Caanaha ee Muqdisho,  meel u dhow dugsiga tababarka ciidanka ee Goordan.

Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo qaraxa waxaa lala eegtay Sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo goobta marayay.

Sarkaal oo lagu magacaabo Maxamed Daahir ayaa horay u soo xukumay Saldhig Galbeed iyo qeybo ka mid ah ciidanka Booliska, hadda waa taliyaha ciidanka booliska ee VIP-da ee ilaaliya xarumaha dowladda.

Sidda ay noo xaqiijiyeen dad ku sugnaa agagaarka goobta uu qaraxu ka dhacay qaar ka mid ah ilaaladda taliyaha ayaa dhaawacmay, waxaa sidoo kale waxyeelo soo gaartay dad shacab ah oo saarnaa mooto bajaaj.