Faahfaahin Qarax ka dhacay Mandera

Inta la xaqiijiyay  4 Carruur ah ayaa ku dhintay Tuulo lagu magacaabo Eymoole oo ka tirsan degaanka Takaba ee degmada Mandheera, ka dib markii uu halkaasi ka dhacay Qarax.

Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka Qaraxa ayaa dhashay waxyaabo ay ku cayaaraayeen Caruurtaas.

3 ka mid ah carruurtaas, oo dhamaantood wiilal ah, ayaa isla goobta ku naf baxay, halka mid afaraadna uu ku dhintay xarun caafimaad.

Sarkaal ka tirsan booliska ayaa u xaqiijiyey Warbaahinta dhimashadda Caruurtaasi, wuxuuna intaa ku daray in laba ilmood oo kale loola cararay Mandheera si looga daweeyo dhaawacyo soo gaaray.

Waxaa uu sidoo kale sheegay Sarkaalkaasi in Qaraxa uu ahaa Miino ay carruurtaasi kasoo qaadeen in meel wadada dhinaceeda ah, islamarkaana ay ku qaraxday.

Maamulka Mandera ayaa horay u sheegay in ay jiraan Minooyin badan oo ku jira Wadooyinka gobolka Waqooyi Bari ka dib markii halkaasi ay dhowr jeer Weeraro ka geysteen Al-Shabaab.