Faahfaahin Qarax ka dhaca Jowhar

Faahfaahino dheeeaad ah ayaa kasoo baxaya Bambo Gacmeed lagu weeraray Caawa Fariisin ay leeyihiin Ciidanka Booliska ee ku Sugan Jowhar.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay in Qaraxa ka dib ay maqleen rasaas xoog leh.

Qaraxa waxaa ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac wali wax war ah kama soo saarin maamulka Hirshabeelle.

Ammaanka Magaalada Jowhar ayaa ahaa bilihii lasoo dhaafay mid wanaagsan.