Faahfaahin Nabaddoon lagu dilay degmada Waaberi

Gudoomiyaha degmada Waaberi ayaa Risaala u sheegay Nabadoon C/qaadir Fareey oo lagu dilay Waaberi in uu ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada kusoo dooratay Baydhabo.

Gudoomiyaha Degmada Waaberi Xuseen Axmed Culusow ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab in ay ka dambeeyeen dilka Nabadoonka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay wadaan howlgallo kala duwan oo lagu baadigoobaayo Kooxihii Nabaddoonka toogtay.

Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa Nabaddoon Cabdulqaadir Fareey  dilay Isagoo horfadhiya Gurigiisa oo ku yaalla Agagaarka Suuqa Ansaloonti ee degmada Waaberi.

Al-Shabaab ayaa horay waxaa ay u sheegeen in ay dili doonaan dhammaan Ergooyinkii xildhibaanada kusoo doortay Maamul goboleedyadda.