Shirka golaha wasiirrada oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa lagu magacaabay taliyaasha ciidamada Difaaca, Nabad-sugidda, Booliiska Iyo Asluubta.
Golaha wasiirrada oo ka jawaabaya soo jeedinta wasaaradaha difaaca, amniga gudaha iyo cadaallada ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay magacaabista taliyayaasha ciidanka.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa loo magacaabay Sarreeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage, iyadoo xilkaas laga qaaday Jen. Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe.

Taliyaha NISA ayaa si buuxda loogu magacaabay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo muddo 10 bilood ahaa Sii Haye.

Taliyaha Booliska ayaa loo magacaabay Cabdi Xasan Xijaar oo ahaa Taliye kuxigeenka Ciidanka xoogga dalka, waxaana xilka taliyaha Booliska laga qaaday Jen, Bashiir Cabdi.

Taliyaha ciidanka Asluubta ayaa loo magacaaby Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo ahaa taliyaha Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed, waxaana xilkaasi laga qaaday Sareeye Guud Bashiir Goobe.




