5 qof ayaa ku dhaawacmay 1 qofna waa uu ku dhintay 5 Madfac oo ku soo dhacday xaafado ka tirsan degmada Warta Nabada.
Gudoomiyaha degmada Warta-Nabadda ee gobolka Banaadir oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa xaqiijiyay dhimashada 1 qof iyo sidoo kale dhaawaca soo gaaray 5 qof, isagoo sidoo kale sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan arintan.
Gudoomiyaha degmada Warta -Nabada ayaa sheegay in dadka ku waxyeeloobay Qaraxan ay ahaayeen dad shacab ah, waxaana dadkii dhaawacmay isbitaalada muqdisho.
Degmada Wartanabada ayaa marar badan waxaa ku soo dhacay Madaafiic kala duwan kuwaas oo waxyeelo ay ka soo gaartay dad shacab ah.


