Faahfaahin Khasaare ka dhashay iska horimaad ka dhacay Muqdisho

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay iska horimaad xooggan oo ka dhacay Xaafadda Saban Saban ee degmada Dayniile ee gobolka Banaadir sidda ay Risaala u xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Iska horimaadka ayaa u dhaxeeyay Maleeshiyaad hubeysan iyo Ciidamo ka tirsan maamulka degmada Dayniile.

Ciidanka Booliska degmada Dayniile oo hoggaaminayay Xoghayaha degmada ayaa ku baxay markii ay maqleen Koox hubeysan ay dad Shacab ah ay u diiday in ay dhistaan dhul ku yaalla Saban saban.

Dadka ay waxyeelado soo gaartay waxaa ka mid ah Xoghayaha degmada Mahad Shilaawe oo dhaawac uu kasoo gaaray Iska horimaadka.

Muran ku saabsan dhul ayaa la sheegay in maalmihii ugu dambeeyay uu ka taagnaa degmada Dayniile gaar ahaan Xaafadda Saban saban.