Faahfaahin Khasaare ka dhashay dagaal Maanta ka dhacay Ceel Afweyne

Wararka naga soo gaaraya degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi maanta uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay labo Maleeshiyo Beeleed.

Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka waxaa jira Khasaare isugu jira Dhimasho iyo dhaawac.

Isbitaalka degmada Ceelgaabo ayaa la gaarsiiyay ku dhawaad 10 ruux oo dhaawac ah, waxaana la sheegay in dagaalka ay ku dhinteen ku dhawaad 5 ruux.

Ciidamada xoogga Milatariga Somaliland ayaa gaaray goobta uu ka dhacay dagaalka , waxaana ay ku guuleysteen in ay kala dhexgalaan Kooxihii dagaallamay.

Dagaalkaan ayaa yimid ka dib markii dhawaan Shirweyne dib u heshiisiin ah uu ka furmay degmada Ceel Afweyne.