Iska hor imaad geystay khasaare kala duwan ayaa xalay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya waxa uu ku dhexmaray magaalada jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.
Iska hor imaadka ayaa yimid ka dib markii ciidamo ka tirsan booliska oo howgal ka sameynaayay xaafada Kulmis ee magaalada jowhar ay is hor istaag ku sameeyeen ciidamo ka tirsan ilaalada Gudoomiyaha magaalada Jowhar.
Inta la xaqiijiyay 2 askari oo ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa ku dhintay iska hor imaadka xalay ka dhacay magaalada Jowhar, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 4 qof oo isgu jira askar iyo shacab.
Wali kama hadlin maamulka magaalada Jowhar dhacdaan xalay ka dhacay magaalada Jowhar.
Iska hor imaadka ayaa kusoo beegmaya xilli si weyn loo adkeeyay ammaanka magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.
Magaalada Jowhar ayaa waxaa ka socda shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.


