Kudhawaad 10 ruux ayaa ku geeriyootay dagaal ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ku dhexmaray deegaanka Iidaale ee Gobolka Baay.
Dagaalka ayaa yimid ka dib marki ay ciidamo taabacsan maamulka Koonfur Galbeed weerar ku qaadeen fariisin Al-Shabaab ay kuleeyihiin deegaanka Iidaale ee gobolka Baay.
Saaraakiil ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay dileen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.
Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa uu socday muddo saacaddo ah , sida ay sheegeen dadka deegaanka waxaa dagaalka soo qaaday ciidanka dowladda Soomaaliya.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa wada qorshe ay ku doonayaan in ay Al-Shabaab ka saaraan deegaanka Iidaale oo ka mid ah meelaha ay sida weyn ugu xoogan yihiin Al-Shabaab.
Sidoo kale wararka naga soo gaaray gobolka Baay ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu ka dhacay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Baay.


