Faah faahin Ciidamo lagu qarxiyay Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Miino oo maanta Ka dhacay Ex-kontorool Balcad ee Magaalada Muqdisho caasimadda Soomaaliya, sida ay Risaala u sheegeen dadka degaanka.

Qaraxan oo si weyn looga maqlay xaafadaha ka akdhow goobta uu ka dhacay ayaa la  sheegay in uu geystay Khasaare isugu jira Dhimasho iyo dhaawac, oo soo gaaray dad shacab ah, inkastoo khasaaraha rasmiga ah aanan la xaqiijin karin.

Qaraxan oo la eegtay Ciidanka AMISOM ayaa la sheegay in uu qabsaday mid ka mid ah kolonyo Gaadiid oo ay wateen, waxaana Ciidamada AMiSOM qaraxa kadib ay fureen Rasaas fara badan, taasi oo qal qal iyo cabsi hor leh ku abuurtay shacabka.

Ciidamada Dowladda oo wata Gaadiidka Dadgaalka ayaa waxa ay gaareen goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxaana saraakiisha ay inoo sheegeen Qaraxan in uu ahaa Miino horey halkaasi loogu aasay, hadana ay wadaan howlgal ku aadan soo qabashada raggii falkan ka dambeeyay.

Ciidamada AMISOM oo inta badan wadadaasi isticmaala ayaa waxaa dhowr jeer oo hore lala eegtay Qaraxyo, Qaraxyadaasi inta badan masuuliyadooda waxaa sheegta Shabaab.