Faah Faahino ka soo baxaya Doon ku degtay Xeebaha Puntland

Wararka ka imaanaya  Gobolka Bari ayaa sheegaya in ay degtay Doonta Shamis4 oo u raraneyd  ganacsato Soomaaliyeed Taas oo ku degtay ku degtay xeebaha Gobolk Bari puntland .

Doontan oo shamiinto ka soo qaaday dalka Yemen kuna sii jeedda Dekadda Boosaaso ayaa ku degtay meel 60mile u jirta xeebta magaalada Boosaaso.

Wararka ayaa sheegaya Shaqaalaha saaran doonta oo soo hadlay ay dalbadeen  in gurmad deg deg ah loo sameeyo sida laga soo xigtay ganacsatada doonnidu u raraneyd  qaarkood,  mana jiro wax  war ah oo ka soo baxay maamulka Puntland ee la xiriiraa Doonida degtay.