Muqdisho-RisaalaFM- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya iska horimaad hubeysan oo fiidnimadii xalay ka dhacay Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir, kadib markii xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab ay weerareen fariisimo ay halkaasi ku leeyihiin Ciidanka Dowladda Federaalka.
Weerarkan oo socday mudo badan oo Daqiiqado ah ayaa hubka la isku adeegsanayay waxaa si aad ah looga maqlayay inta u dhaxeyso Isgoyska SOS iyo xaafadda Suuqa Xoolaha, iyadoo markii hore uu rasaas goos goos ah ku bilowday, balse uu dib ka xoogeystay.
Ciidanka Dowladda, ayaa iska caabiyay raggii soo weeraray, iyadoona ay dib ugu celiyeen halkii ay weerarka ka soo qaadeen, Ciidanka ayaana isu fidiyay wadooyinka soo gala saldhigooda la weeraray.
Ciidanka Dowladda, ayaa gaaray halka loo yaqaano Ceel Militari oo ka tirsan xaafadda Suuqa Xoolaha, halkaas oo ay ka sameeyeen hawlgal ka dhan ah Shabaabkii weerarka soo qaaday, inkastoo aan la soo sheegin cid ay weerarkaasi u soo qab qabteen.
Waxaa aad u adag ilaa hadda in la helo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, ee soo gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo hadii ay jiraan ku waxyeeloobay.
Shabaab oo weerarkan uga hadlay baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay sheegeen rag iyaga ka tirsan in ay weerareen fariisin Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin degmada Heliwaa, waxayna tilmaameen in ay khasaare ku gaarsiiyeen Ciidamada Dowladda.
Degmada Heliwaa oo dhacda Waqooyi Bari Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ku badan weerarada gaadmada ah, ee ay xilliyada habeenkii ku soo qaadaan Shabaabka.


