Faah faahin shil gaari oo ka dhacay duleedka Jowhar

Jowhar-RisaalaFM- Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa shil gaari oo ka dhacay wadada dhinaca Koonfur kaga beegan magaalada Jowhar, gaar ahaan tuulo magaaladaasi u jirta 5-KM.

Labada gaari ayaa la sheegay mid ka mid ah in uu waday dad shacab ah, halka midka kalena uu waday xoolo, waxaana shilkan uu yimid kadib markii labada gaari ay ku socdeen xawaare sare.

Ugu yaraan 25 qof ayaa ku dhaawacantay shilkan waxaana dhaawacyadooda loo qaaday isbitaalka magaalada Jowhar, halkaasi oo xaaladooda caafimaad wax looga qabanayo.

Maamulka gobolka Shabeellaha dhexe ayaa warbaahinta Risaala u sheegay in ay wadaan baaritaanada dhabta ah ee la xiriira waxa sababay shilkan, kadibna ay faah faahin doonaan.

Bashiir Caana booro, Radio Risaala, magaalada Jowhar