Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay weerar la mid ah midkii Habeen hore waxa ay ka geysteen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida uu soo sheegayo Wariyaha Risaala ee magaladaasi.
Weerarkan Shabaabka ay soo qaadeen oo markii hore ku bilowday laba Bambo gacmeed oo gacanta laga tuuro ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay fariisin Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Agagaarka saldhiga degmada degmada Afgooye.
Ciidamada Dowladda oo markii horeba ku jiray feejignaan dheeri ah, maadaama dagaalkii habeen hore uu weli maskaxdooda ka guuxayay ayaa iska caabiyay Dagaalyahanada Shabaab ee weerarka soo qaaday.
Ilaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Dagaalka kooban ee Ciidamada Dowladda iyo Shabaab ku dhexmaray degmada Afgooye.
Dhanka kale Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay iyaga oo ka jawaabayay weerarkan in ay rideen Madaafiic, kuwaasi oo ku dhacay duleedka degmada Afgooye, oo ila hada aanan la ogeyn cida wax ku noqotay.
Masuuliyiinta gobolka Shabeellaha Hoose oo aan la xiriirnay si aan wax uga weydiino dagaalkan iyo khasaarha rasmiga ah ee ka dhashay ayaa waxa ay sheegeen in ay dib ka bixin doonaan faah faahinta dagaalkan.



