DHAGEYSO: Faah faahin Qaraxyo ka dhacay Degmada Deyniile

Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya degmada Deyniile gaar ahaan xaafada Raadeelka ayaa waxa ay sheegayaan in saakay 2 Qarax ay ka dhaceen halkaasi.

Qaraxyada ayaa la sheegay in ay ahaayeen Miinada nooca dhulka lagu Aaso, waxaana lala beegsaday ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo halkaasi marayay.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in Qaraxyadaasi ay ku dhaawacmeen 2 Askari, waxaana dhaawacyada Askartaasi loo qaaday Isbitaal ku yaalla degmada Deyniile, markii ay tageen ciidamada Irida Isbitaalka ayaa la sheegay in Qarax Labaad lala eegtay gaarigii dhaawaca ay ku wadeen ciidamada.

Qaraxa labaad ayaa waxaa ku dhintay gabar ka shaqeysa Isbitaalka oo ilinka Isbitaalka taagneyd iyadoo dhaawac uu ka soo gaaray wadihii Gaarigaasi.

Xoghaya degmada Deyniile Mahad Maxamed Sharaawe oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa waxa uu sheegay in Qaraxyada ay ahaayeen 2 sidoo kalena lagu raad joogo ragii ka dambeeyay falkan.