Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Qarax Gaari, kaasi oo ka dhacay inta u dhaxeysa Xaawo-taako iyo Daljirka Daahsoon, gaar ahaan afaafka hore ee Maqaaxida Banooda.
Saraakiisha Ciidanka Ammanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaaray goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay sameeyeen baaritaano la xiriira Qaraxan, waxaana ay sheegeen in Qaraxan uusan geysan khasaare nafeed.
Sawiro laga soo qaaday goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa muujinayay bur bur kooban oo soo gaaray goobaha ganacsi ee ku yaalla halkaasi.
Talaadadii ina dhaaftay ayay aheyd markii Gaari Caasi ah oo waxyaabaha Qarax laga soo buuxiyay uu ku Qarxay Kontoroolka Tiyaatarka, kaasi oo ay ku dhinteen dad ka badan 10 Qof, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro kale.


