Sh/Hoose-RisaalaFM- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Miino oo saakay ka dhacay degaanka Buulo-mareer oo ka tirsan Shabeellaha Hoose, sida ay Risaala u xaqiijiyeen masuuliyiinta gobolkaasi.
degaanka Buulo-mareer wax maamul ah kama jiro hada, sidaasi darteed wuxuu hoostagaa degaanka Kuntur-waarey oo ka tirsan isla gobolka Shabeellaha Hoose.
Guddoomiye ku xigeenka degaanka Kuntur-waarey ee gobolka Shabeellaha Hoose Muxudiin Khaliif Caliyow oo la hadlay Risaala ayaa sheegay Qaraxa in uu ahaa Miino lagu aasay wadada geeskeeda, taasi oo ay isticmaalaan dadka shacabka ah iyo Ciidamada Dowladda.
Wuxuu sheegay Guddoomiye ku xigeenka xilliga uu Qaraxa dhacayay in aysan jirin wax dad ah oo halkaasi marayay, sidoo kalena uusan jirin wax khasaare ah oo uu geystay Qaraxa.
“Qaraxa Buulo-mareer ka dhacay wuxuu ahaa Miino dhulka lagu aasay, cid lala eegtay malahan Qaraxa, wax khasaare ah oo uu geystay Qaraxa ma jiraan, Ciidamada ammaanka ayaa tagay goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxay ka sameeyeen Howlgallo”. Ayuu yiri Muxudiin Khaliif.
Muxudiin Khaliif Caliyow ayaa sidoo kale sheegay Ciidanka ammaanka ee Dowladda iyo kuwa AMISOM in ay ku baxeen goobta uu Qaraxa ka dhacay, halkaasi oo ay ka sameeyeen baaritaano, balse aanay jirin cid lagu soo qabtay.


