Faah faahin:-Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qaraxaan ayaa ahaa miinada nooca dhulka aaso ah,waxaana uu ka dhacay agagaarka Carwadii hore ee Taleex ee degmada Hodan,waxaana lala eegtay Gaari ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa lal eegtay Gaari nooca loo yaqaano Toyota HILUX oo ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya,isla markaana uu ku geeriyooday darawalkii Gaariga,sidoo kalena uu ku dhaawacmay askari kale.

Qaraxa ayaa sigaar ah waxaa uu uga dhacay Wadada aada Isbitaalka Deefa ee ka tagta Carwadii hore ee Taleex,waxaana goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya,kuwaas oo xiray agagaarka wadada uu goobta ka dhacay.

Xaalada Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa haatan ah mid degan,waxaana ku xuumay qaar ka mid ah dadka degan goobta uu qaraxa ka dhacay,iyada oo sidoo kale la arkayay burbur soo gaaray Darbiga Guri ku yaalla Goobta miinada lagu aasay ay ku qaraxday.