Faah faahin Mareykanka oo Duqeyn ka fuliyay Deegaanka Toora-toorow

Ciidamada Mareykanka ayaa Gobolka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan Deegaanka Toora-toorow, waxa ay ka fuliyeen howlgal qorsheysan oo isugu jiray Duqeyn iyo weerar fool ka fool ah, howlgalkaasi oo dhacay xalay saqdii dhexe.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo kala duwan Diyaaradaha dagaalka Dowladda Mareykanka ayaa Duqeyn ku garaacay fariisimo ciidamada Shabaabka ay ku leeyihiin deegaanka Toora-toorow, waxaana xigay weerar fool ka fool ah oo ciidamada Mareykanka ay ku qaadeen Shabaabka.

Lama oga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi tooska ah iyo Duqeynta Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay ka fuliyeen Deegaankan oo Saldhig muhiim ah ay ku leeyihiin Ururka Al-shabaab.

Idaacada Andalus ee afka Shabaab ku hadasha ayaa laga baahiyay in ciidamada Shabaabka ay iska caabiyeen weerar dhanka cirka iyo Dhulka ah oo kaga yimid ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ku sugan.

Dhowaan ayay aheyd markii Diyaaradaha Mareykanka iyo kuwa Kenya ay Duqeymo ka fuliyeen Gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose, halkaasi oo ay ku beegsadeen saldhigyo Shabaab ay lahaayeen.