Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Degmada Wadjir gaar ahaan Xaafada Buula-xuubey ayaa waxa ay sheegayaan in tiro Madaafiic ah ay ku soo dhaceen xaafado ka tirsan Buula-xuubey.
Madaafiicda ku soo dhacday xaafada Buula-xuubey oo ku dhaw Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho iyo Xarunta UNDP ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay tiradooda in ay gaareyso ilaa iyo Saddex Hoobiye, sida ay Risaala u sheegeen Dadka Deegaanka.
Dadka Deegaanka ayaa sheegaya Madaafiicdan in ay ka dhasheen khasaare soo gaaray Dad shacab ah oo xilligii Madaafiicda ay soo dhacayeen halkaasi ka akdhowaa.
Mas’uuliyada Madaafiicdan ayaa waxaa sheegtay Shabaab, waxaana ay sheegeen in Madaafiicdan ay ku tuureen, sidoo kalena ay ugadaha u galeen xerada Xalane oo ay degan yihiin Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.


