Muqdisho-RisaalaFM- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Hoobiye caawa ku soo dhacay degmada Warta-nabadda ee gobolka Banaadir, gaar ahaan xaafada loo yaqaano labada Dhagax, sida ay inoo sheegeen dadka degaanka.
Madfacan oo aan la garaneyn halka laga soo tuuray ayaa waxa uu ku soo dhacay Dukaan xaafadaasi ku yaalla, kaasi oo xilligaasi ayka dukaameysanayeen qaar ka tirsan dadka degaanka.
Saraakiisha Ciidamada ammaanka ayaa warbaahinta Risaala u sheegay in Madafacan ay ku dhaawacmeen ilaa Afar Qof oo shacab ah, kuwaasi oo lo qaaday goobaha caafimaadka ee Muqdisho.
Ciidamada ammaanka ayaa ku baxay goobta ay umaleynayaan in laga soo tuuray Madafacan, waxaana caawa sidoo kale ay Howlgallo gaar ah ka wadaan xaafadaha degmada Wartanabada.
Madaafiicdan, ayaa dareen baqdin leh ku dhaliyay bulshada reer Wartanabada ee gobolka Banaadir, kuwaas oo ku sheegaya in caawa ay u tahay Habeen adag, maadaama hugunka Madafacn laga maqlay qaar ka tirsan degmooyinka gobolka.


