Faah faahin dilka Wasiir Siraaji

Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji, Wasiirkii Hawlaha Guud ee Xukuumadda Somaliya, ayaa waxaa caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Gaari uu la socday Wasiirka, ayaa waxaa la sheegay in lagu rasaaseeyay afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada Somaliya.

Warar is khilaafsan, ayaa ka soo baxaya qaabka uu u dhacay dilka Wasiirka, iyadoo wararka qaar ay sheegayan in ay rasaaseeyeen ciidan ka tirsan kuwa dowladda, balse ka shakiyay.

Warar kalana waxay sheegayan in dabley la socotay gaari kale ay rasaas oodda kaga qaaday, lana qabtay dableydii dilka gaysatay.

Cabaas Siraaji, ayaa bishii November ku soo biiray Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somaliya, ka dib doorasho ka dhacday Magaalada Kismaayo.

Siraaji oo ka mid ahaa Xildhibaanada ugu da’da yar ee Baarlamaanka Somaliya, ayaa ku soo barbaaray xeryaha qaxootiga ee ku yaala Degmada Dhadhaab ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

 

abas-siraji