Galgaduud-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Caabud-waaq ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in xalay nin Madaxa looga jiray uu Magaaladaasi ku Dilay Labo nin kuwaas oo si weyn looga garanayay Caabud-waaq.
Labada nin ee la Dilay ayaa lagu kala magacaabaa Abshir Faarax oo ahaa Nabadoon caan ah iyo sidoo kale Ganacsade magaciisa lagu sheegay Maxamed.
Ninka Dilka geystay aya a la sheegay in Madaxa looga jiray oo dhowaan ka soo baxay xarunta lagu Daryeelo dadka dhimirka looga jiro, waxaana Labada nin ee uu Dilay ay ahaayeen Qaraabo Hoose sida Dadka Deegaanka ay Risaala u sheegeen.
Allaha u naxariistee Nabadoon Abshir Faarax iyo Ganacsade Maxamed ayaa maanta lagu wadaa in lagu Aaso Qabuuraha ku yaalla Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.


