Beledweyne-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegyaan in kooxo hubeysan ay xalay nin Ganacsade ahaa ku dileen Xaafada Kooshin ee Magaalada Beledweyne.
Ganacsadaha la dilay ayaa ahaa mid si weyn looga garanayay Magaalada, waxaana magaciisa lagu sheegay Daahir Mahad Alle, iyadoo Tacshiiradii lagu furay uu ku dhaawacmay Wiil uu dhalay Ganacsadaha.
Ganacsadah ayaa xilligii la dilayay waxa uu ka soo baxay Masjid oo uu ku soo tukaday Salaada Cishaha, waxaana kooxihii dilka geystay ay ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.
Ciidanka Amaanka ayaa wada Howlgallo lagu xaqiijinayo amniga iyo sidoo kale baaritaano lagu ogaanayo kooxihii ka dambeeyay Dilka Ganacsadaha.


