Faah faahin Dagaal ka dhacay Duleedka Kismaayo

Kismaayo-RisaalaFM- Ciidamada maamulka Jubbaland iyo Dagaalyahano ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa ku adagaalamay Dalcada luglow ee duleedka magaalada Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo ay fariismo ku leeyihiin ciidamada Jubbaland.

Dadka degaanka ayaa Risaala u sheegay Dagaalkan in uu dhacay, xalay saqdii dhexe, kadib markii dagaalyahanada Shabaabka oo isa soo abaabulay ay dhawr jiho ka weerareen Saldhiga ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin degaanka Dalcada luglow.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Jubbaland lagala wareegay goobtii Saldhiga u aheyd, ciidankana ay u soo carareen dhanka magaalada Kismaayo, waxaana goobtii lagu dagaalamay qabsaday Shabaab.

Saaka aroortii ayaa Ciidamo ka tirsan Jubbaland oo gurmad ah ka ambabaxay Akadeemiyada Magaalada Kismaayo, balse ciidankaasi intii aysan gaarin saaka goobtii xalay lagu dagaalamay ee Shabaabka ay qabsadeen waxa ay la kulmeen weerar dhabagal ah oo dagaalyahano Shabaab ka tirsan ay u dhigeen.

Gaari ka mid ah kuwii ciidanka ay saarnaayeen ayaa la sheegay inay waxyeelo soo gaartay, inkastoo aanan si dhab ah loo ogeyn inta uu la eg yahay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka dhabagalka ah iyo midkii xalay ciidamada Shabaab ku soo qaadeen Saldhiga ciidamada Jubbaland.

Xoogaga Shabaab ayaa saaka aroortii isaga baxay Dalcada luglow, waxaana hadda halkaasi dib ugu laabtay ciidamada Jubbaland.

Saraakiisha Jubbaland ayaa sheegaya dagaalkaasi inay waxyeelo aanan sidaasi u buurnayn ciidankooda ka soo gaartay, laakiin khasaare xoogan ay gaarsiiyeen Shabaabkii weerarka soo qaaday.