Garowe-RisaalaFM- Wasiirka Wasaarada Amniga Maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa faah faahin ka bixiyay dagaal Ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab ku dhex maray buuraha galgala ee Gobolka Bari.
Wasiirka ayaa sheegay in Xarumo badan oo Ciidan ay Al-Shabaab kala wareegeen sidoo kalena ay khasaare u geysteen Ciidamadii ku sugnaa buuraha galgala.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Ciidanka Puntland ay guulo ka gaareen dagaalka ururka Al-Shabaab ay la galeen, islamarkaana ay khasaare u geysteen.
Cabdi (Qarjab) ayaa tilmaamay in Maamulka Puntland ay ka go’an tahay sidii ururka Al-Shabaab looga saari lahaa buuraha Galgala iyo degaanada kale ay kaga sugan yihiin Puntland.
Waxa uu Saraakiisha Puntland ugu baaqay iney ka shaqeeyaan soo afjarista howlgalada Al-Shabaab iyo dagaalka ka socda Buuraha Galgala.
Ciidamada Maamulka Puntland iyo Al-Shabaab ayaa dhowr jeer waxa ay ku dagaalameen buuraha Galgala, Dagaaladaasi oo ay ka dhasheen khasaare kala duwan.


