Eritrea oo ka baaqatay ka qayb galka Shirkii IGAD ee Addis Ababa

Waxaa dib u dhacay ku soo laabashada ay Eritrea ku soo laaban lahayd xubinnimadeedii urur goboleedka IGAD ee la filayey in ay shalay dhacdo, sida uu qorshuhu ahaa.

Wafdiga Eritrea ayaan imaanin madasha shirka, iyadoo uu banaanaa Kuraasta loo diyaariyay wafdigaasi.

Laakinse Xoghayaha guud ee IGAD, Maxbuub Macallim oo BBC la hadlay ayaa yiri “waa arrin wakhti uun ku xiran. Heshiisku wuu dhacay, waxaa kaliya ee dhiman in lagu dhawaaqo”.

Shirka ayaa lagu soo gunaanaday xaflad ay heshiis awood qaybsi ah qalinka ku wada duugeen Madaxweynaha South Sudan, Salva Kiir, iyo ku xigeenkiisii hore ee uu dagaalka dhex maray, Riek Machar, kaasoo lagu so afjarayo 5 sano dagaal ahli ah uu waddankaas ka socday.

Heshiiska ayaa dhigaya in Mr Kiir uu ahaan doono madaxweynaha, halka Mr Machar uu ka mid nboqon doono shan madaxweyne ku xigeen.

Madaxda Eritrea kama aysan hadlin sababta ay dib uga baaqdeen ka qayb galka Shirkii IGAD ee Addis Ababa.