EPL: Hordhaca kullanka Liverpool ay soo dhoweyneyso Man City oo dib u heleysa laba xiddig oo muhiim ah!

Toddobaadka kullanka ugu xiisaha badan shanta horyaal ee ugu waaweyn qaaradda Europe ayaa la ciyaari doonaa marka ay caawa maqribnimada is fara saaraan kooxaha Liverpool iyo Manchester City.

Cityzens ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay meel cidlo ah ka heshay hooggaanka horyaalka Premier League ka dib markii ay Reds ay bareejo lasoo gashay Chelsea.

Haddaba labada naadi ayaa dib u helaya ciyaartoy muhiim ah, halka xiddigo kale ay weli sii maqnaanayaan

Liverpool ayaa weli ka war sugeysa taam ahaanshaha Naby Keita, haddii uu xaadir noqon waayana waxaa booskiisa ciyaari doono Captain Jordan Henderson.

Adam Lallana ayaa kusoo laabtay tababarka buuxa ee kooxda, waxaana uu diyaar u yahay inuu ka mid noqdo safka kullanka galabta.

Dhanka City waxaa usoo laabanaya Kevin De Bruyne oo kasoo kabtay dhaawac jilibka ahaa, halka Benjamin Mendy ay macquul tahay inuu isna soo laabto.

Ilkay Gundogan ayaa shaki laga gelinayaa ciyaartan inuu ciyaaro isagoo qaba dhaawac Cajirka ah.

Xaqiiqooyinka kullanka

Liverpool ayaa guuldarro la’aan ah 17 kii ciyaarood ee ay Man City kula ciyaartay Anfield dhammaan tartamada.

Markii ugu dambeysay oo ay Manchester City ku adkaato Anfield waxa ay ahayd kullan ka tirsan Premier League oo ay 2-1 ku garaaceen Liverpool.

Liverpool ayaa inta lagu gudo jiro sanadkan 2018 garaacday Manchester City saddex jeer, waxaana caawa ay la darajo noqoneysaa Grimsby 1936 iyo Tottenham 1993 kuwaasoo min afar jeer garaacay City sanad gudaheed.

Labada kooxood ayaa weli dhinacyadooda dhulka la dhigin toddobadii kullan ee ugu horreysay Premier Leagye, waana markii ugu dambeeysay oo ay is arkayaan laba koox oo guuldarro la’aan, tan iyo Newcastle  United iyo Man City 2011/12 oo is arkay iyagoo 12 kullan guuldarro la’aan ah wada ciyaaray.

Liverpool ayaa eegeysa inay soo bareejeyso rikoorkeedii kullamada ugu badan ee xiriir garoonkeeda gool iga ilaashato oo ah sagaal kullan, waxaana ay sidaas sameeyeen February 2007, hadda waxa heystaan siddeed kullan oo Premier League garoonkeeda gool loogaga dhalinin.

25-kii ciyaarood ee ugu dambeysay Manchester City kusoo ciyaarta bannaanka keliya hal guuldarro ayay la kullantay, waana natiijadii kullankan xilli ciyaareedkii hore oo ku dhammaatay 4-3.