Kooxda kubadda cagta ee Liverpool ayaa galabta kullanka ugu soo horreeya ee Premier League waxa ay la ciyaari doontaa kooxda AFC Bournemouth oo ay u marti doonto.
Reds waxa ay maanka ku heysaa in kooxda hooggaanka horyaalka heysa ee Manchester City ay la ciyaareyso kooxda Chelsea kullanka ugu adag toddobaadkan.
Xiddigaha ka maqan kullankan, iyo kuwo dib ugu soo laaban kara kooxahooda
Bournemouth waxa ay weyn doonaan inta ka dhiman xilli ciyaareedkan laacibka khadka dhexe ee Lewis Cook, waxaana xiddigga reer England uu la xanuunsanayaa dhaawac daran oo jilibka kasoo gaarray.
Si la mid ah Dan Gosling ayaa seegi doona ciyaarta galabta ka dhaceysa garoonka Vitality Stadium oo isna dhaawac jilibka ah qaba, waxaana isbitaalka ku wehliya difaacooda Adam Smith, iyadoo saddexdaba ay ka dhaawacanyihiin jilibka.
Dhanka kale kooxda Liverpool ayaa wajahaysa dhibaatooyin dhaawac oo soo gaaray difaacyadeeda Dejan Lovren iyo Joseph Gomez kuwaas oo muhiim u ahaa safka Macallin Jurgen Klopp.
Sadio Mane ayaa sidoo kale shaki la gelinayaa, waxaase liiska dhaawacyada mar kale ku laabtay Nathaniel Clyne oo Dominic Solanke iyo Alex Oxlade-Chamberlain kula biirray diiwaanka dhaawacyada.
Safafka macquulka ah ee ay labada koox kusoo billaabi karaan
Bournemouth: Begovic; Francis, Cook, Ake, Daniels; Brooks, Surman, Lerma, Fraser; King, Wilson
Liverpool: Alisson; Alexander-Arnold, Matip, Van Dijk, Moreno; Keita, Fabinho; Shaqiri, Firmino, Lallana; Salah
Xaqiiqooyinka u gaarka ah kullankan
Bournemouth waxa ay guuldarreysatay afar ka mid ah lixdii kullan ee ugu dambeeyay Premier League la ciyaartay kooxda Liverpool, iyadoo labadii kullan ee xilli ciyaareedkii hore wada qasaarta, isku celcelis ahaanna lagu garaacay 7-0.
Guuldarrada keliya ee Liverpool kasoo gaartay Bournemouth 13-kii kullan ee lasoo dhaafay waxa ay timid ciyaar ka dhacday Vetality Stadium kullan Reds lagu garaacay 4-3 December 2016.
Guushii Bournemouth ay ka gaartay kooxda Huddersfield Town waxa ay soo gabagabeysay afar guuldarro xiriir ahayd oo kooxdan soo gaartay.
Liverpool ayaa ku jirtay billaabashadeeda ugu fiicnayd taariikhdeeda 15-ka kullan ee ugu horreysa horyaalka Ingiriiska iyagoo 39 dhibcood shaqeystay, keliya lix koox oo ay ku jirto Man City xilli ciyaareedkan ayaa kaga billaabasho wanaagsan 15-ka kullan ee ugu horreysa horyaalka (marka guusha lagu xisaabiyo 3 dhibcood).
James Milner ayaa maanta safan kara kullankiisa 500-aad ee Premier League, waxaana uu noqon doonaa ciyaaryahankii 13-aad ee darajadaas gaaro, haddii uu maanta saftana waxa uu noqon doonaa ciyaaryahanka labaad ee ugu da’da yar ee 500 kullan oo Premier League ah safto maadaama uu hadda jiro 32 sano iyo 338 maalmood, Gareth Barry oo 32 sano iyo 219 maamlmood jira ayaa rikoorkan kaga wanaagsan.



