EPL: Arsenal oo guul ka gaartay Stoke City kulan 15-kii daqiiqo ugu dambeeyey ay dhalisay saddex gool!…

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa garoonkeeda ku soo dhaweysay naadiga Stoke City kulan ka tirsan horyaalka Premier League, waxaana ay kaga adkaatay 3-0.

Kulankii ka dhacay garoonka Emirates ee Magaalada London ayaa ku soo dhammaaday qeybta hore barbaro goolal la’aan 0-0 ah.

Labada kooxood ee Gunners iyo Stoke ayaa fursado fiican oo goolal lagu dhalin karay helay qeybta hore ee ciyaarta laakiin uma suuro gelin inay shabaqa gaaraan.

Fursadaha ugu fiican waxaa qeybta hore helay oo khasaariyey Aaron Ramsey oo ka tirsan Arsenal iyo Xherdan Shaqiri oo ka mid ah kooxda martida ahayd ee Stoke City.

Gar isku mid ah oo goolal la’aan ah ayuu kulanku ku soo dhammaaday qeybta hore ee ciyaarta laakiin Gunners ayaa dardar la soo loobatay oo ku adkaatay 3-0.

Qeybtii labaad ee ciyaarta Arsenal ayaa la timid saddex gool 15-kii daqiiqo ee ugu dambeeyey ciyaarta waxaana kala qeyb saday Aubameyang iyo  Lacazette

75’daqiiqo waxaa rigoore loo dhigay Arsenal, kaddib markii Martins Indi uu xerada ganaaxa dhexdeeda ku carqaladeeyey Ozil, waxaana rigooradaas lagu abaal-mariyey Gunners gool u rogay Pierre-Emerick Aubameyang, Arsenal ayaana 1-0 kula wareegay hoggaanka ciyaarta.

Markale 86’daqiiqo waxaa shabaqa soo taabtay Pierre-Emerick Aubameyang, kaddib markii isagoo ku jira xerada ganaaxa uu bar bannaan ka helay kubadda oo ka timid gees laad ama koorno, waxaana uu kulanka ka dhigay 2-0.

Dhammaadkii ciyaarta 89’daqiiqo Arsenal ayaa hurdo u dirtay kulanka kaddib markii rigoore kale oo lagu galay Lacazette uu gool u rogay xiddiga reer France ee Alexandre Lacazette, iyadoo taasi ay fursad fiican u ahaan lahayd Aubameyang oo kulankan dhalin kari lahaa saddexleey, kulanka ayaana ku soo dhammaaday 3-0 ay ku adkaatay Arsenal.

Arsenal ayaa fadhisa kaalinta lixaad ee kala horreynta horyaalka Premier League iyadoo leh 51-dhibcood 31 kulan oo ay ciyaartay, halka Stoke ay ka mid tahay saddexda kooxood ee ugu hooseeya horyaalka.