England oo dagaal dheer kadib ka taqalustay Colombia

Ciyaartan oo qaybteedi hore kusoo idlaatay barabaro goolal la’aan ah ayaa waxa isbaddal ka abuurmay 45-tii  daqiiqo ee danbe.

Bilawgii qaybtii horaba xidigaha England ayaa kubilaawday car car xooggan taas oo usuurta galisay in dhaaliyaan goolka koobaad kaas oo ahaa rigoore lagu galay Harry Kane oo isla isaguna shabaqa ku hubsaday daqiiqaddii 57-aad.

Balse xidigaha Colombia ayaa waxii intaa kadanbeeyay bilaabay in ay abuuraan fursado halis ah si ay usoo gudaan goolka lagu leeyahy kaas oo ay ugu danbayntii keeneen dhammaadkii ciyaarta waqtigii dhimashada daqiiqadihi daycmay e ee 90-ka daqiiqo waxana u saxiixay xidiga Batcelona daafaca kaga ciyaara Yeri Mina.

Ciyaarta oo lagu kala baxay 1-1  ayaa waxaa la isla aaaday rigoorooyin kadib 30-daqiiqo oo aan waxba la iskaga dhalin iyadoo xidigaha England 5-rigoore oo ay tuurteen ay dhaliyeen 4-kamid ah halka xidigaha Colombia 5-rigoore oo ay tuurteen ee dhaliyeen kaliya 3-kamid ah waxaana ingiriiska rogoorada ka  qasaariyay kabatana Reds Jordan henderson halka Colbia ya kaqasaariyeen Carlos Bacca iyo M. Uribe taas oo kadhigan in ay xidigaha ingiriisku soo gudbeen 4-3 rigoorooyin ah.

England ayaana wareegga 8-da ku wajihi doonta Sweden oo galabta reebtay Switzerland.