Duufaanta Irma oo Garaacday Jaziiradda Puerto Rico

Duufaanta Irma ayaa xalay si xawli ah ku dhaaftay waqooyiga jaziiradda uu Mareykanku leeyahay ee Puerto Rico, iyada oo dhulka dhigtay korontada iyo tubooyinka biyaha qaada taasoo saameyneysa boqollaal kun oo ruux.

Duufaanta Irma ayaa gaartay heerka ugu sareeya ee cabirka duufannada, waxaana haatan ay ku wajahantahay jasiiradaha Virgin, sida ay sheegtay xarunta Maraykanka u qaabilsan Duufaannada.

Duufaantan ayaa saacadiiba jaraysa masaafo dhan 295 km.

Saraakiisha Puerto Rico ayaa sheegay in muddo ka badan lix bilood ay qaadan doonto in korontada Jaziirada ay si buuxda usoo laabato.

Madaxweyne Donald Trump ayaa Arbacadi ku dhawaaqay in xaalad deg deg ah la geliyey Puerto Rico, taasoo u fasaxeysa Hey’adda Maareynta Masiibooyinka deg dega ee Mareykanka ay halkaasi ka bilowdo howlaha gurmadka.

Duufaanta Irma ayaa ugu horayn ku dhufatay waddanka labada jasiiradood ka kooban ee Antigua iyo Barbuda.