Wakaalada wararka ee Wafa ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay deegaanada Rafah ay Xalay duqeymo ka geysteen diyaaradaha dagaalka iyo maraakiibta dagaalka ee Israel.
Masjidka Al-Rahma ee Al-Shaboura iyo masjidka Al-Huda ee xerada Yabna halkaas oo ay ku hoydaan tobanaan qof, una dhow Bartamaha Gaza ee xarunta Bisha Cas ee Falastiin. Meelaha u dhow xuduudka Masar.
Sidoo kale waxaa la soo sheegayaa in duqeymo xoogan ay ka dhaceen nawaaxiga Isbitaalka Kuwait.
Agaasimaha Isbitaalka Kuwait, Suhaib Al-Hams, ayaa yiri, “Isbitaalka waxaa ka buuxa dad dhaawac ah oo ku jira xaalad aad halis u ah, mana jiraan dawo ku filan,” sida ay sheegtay Wakaalada wararka ee Wafa.
Dadka dhaawaca ah ayaa loo qaaday cisbitaalka Kuwait ee Rafah halka boqolaal kale la sheegay in ay sidoo kale u carareen dhulka cisbitaalka iyaga oo doonaya in ay gabaad ka dhigtaan duqeymaha Israel, sida laga soo xigtay Wakaalada wararka ee Wafa.