J/Hoose-RisaalaFM- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Duqeyn Diyaaradeed oo ka dhacday degaanka Hoosingow oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose, kadib markii halkaasi lagu duqeeyay Dagaalyahano ka tirsan Shabaab.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Jubbaland ayaa Idaacadda Risaala u sheegay Duqeyntaasi macluumaadka ka soo baxaya inay ku aadan tahay in halkaasi lagu dilay Dagaalyahano ka tirsan Shabaab.
Duqeynta oo loo maleynayo in ay fuliyeen Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa la sheegay in xalay ay beegsadeen Dagaalyahanada ka tirsan Shabaabka, waxaana weli socda uruurinta macluumaadka ku saabsan Duqeynta.
Mudooyinkan dambe waxaa aad u kordhay Duqeymaha lala beegsanayo xubnaha ka tirsan ururka Al-shabaab ee ku sugan Gobolada dalka, Mareykanka ayaa dhowaan sheegay Soomaaliya inuu ka fuliyay Duqeymo uu ku dilay xubno ka tirsan Shabaab.



