Duqeymo wali ka socda Suuriya kadib xabad joojintii golaha ammaanka

Dalka Suuriya waxaa wali kasii socda duqeymaha ay dowladda madaxweyne Bashar Al-Asad ka wado goobaha ay ku suganyihiin mucaaaradka,xili golaha ammaanka ee Qamara midoobay uu maalintii sabtida uu meel mariyay qaraar lagu joojinayo collaada.

Boqolaal qofa ayaa lagu soo warramayaaa inay ku dhinteen duqemaha ka dhacaya bariga magaalada Ghouta.

Weerarkii ugu dambeeyay ayaa ciidammada dowladda waxaa ay qaadeen saacado un kadib markii Qaramada midoobay ay ku dhawaaqday xabadjoojinta.

Dalalka Fransiiska iyo Jarmalka ayaa ugu baaqay dowladda Ruushka in madaxweyne Bashar Al-Asad ay ku cadaadiso inuu ixtiraamo xabadjoojinta,

Mar aya khadka taleefonka ku wada xirirayeen ayaa madaxda dalalka Ruushka, Jarmalka iyo Fransiiska waxaa ay ka wada hadleen sidii loo dhaqan gelin lahaa xabadjoojinta.

Goobaha ay dowladda Suuriya ka wado duqeymaha ayaa la sheegay inay yihiin goobihii ugu dambeeyay ee ay maamulaan kooxaha mucaaradka ee dalka Suuriya.