Saacadihii la soo dhaafay duqeymo diyaaradeed ayaa ka dhacay degmada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo ay talis weyn ku leeyihiin Ururka Al-Shabaab, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
War kooban oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaas lagu burburiyay saldhigyo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab wallow aan la shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.
Waa duqeyntii saddexaad oo xiriir ah oo dhawaanahaan ka dhacda degmada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud, waxaana duqeyntii tan ka horreysay ay Hay’adda NISA soo bandhigtay Magacyada 12 Sarkaal oo ay sheegtay inay katirsanaayeen Al-Shabaab.
Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in dowladda soomaaliya gaar ahaan Hay’adda NISA ay faah fahin ka bixiso khasaaraha nafeed iyo midka hantiyadeed ee ka dhashay duqeynta ka dhacday degmada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud.



