Duqeymo lala beegsaday Saldhigyo Al-Shabaab iyo dowladda oo ka hadashay

Howlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed  iyo saaxiibada Caalamiga ah ayaa laga fuliyay deegaanka Shabeelloow ee koofurta gobalka Mudug.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay 20 katirsan Al-Shabaab, sidoo kalena lagu burburiyay gawaari wadday Xubno katirsan  Al-Shabaab iyo Saanad dagaal oo isugu jiray Hub, Cunto, Daawo iyo Waxyaabaha Qarxa.

Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta.