Duqeymo ka dhacay degaano katirsan Gobolka Mudug & faah faahino kasoo baxaya

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanayo Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa Howlgal Duqeynta dhanka Cirka ah ka fuliyey Meel u dhaw degaanka Caad oo Fariisimo ay ku lahayeen Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin oo la hadlay Idaacada Ciidamada ayaa sheegay in Howlgalka lagu bur Buriyey Fariisimihii iyo Gadiid ay lahayeen Ururka Al-Shabaab.

S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa xusay in weerarka duqeynta ah lagu dilay Saraakiil iyo Xubno katirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa degaannadii duqeymaha laga fuliyay.

Ugu dambeyntii Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kaga mahadceliyey Taageerada Saaxiibada beesha Caalamka ee la garab taagan la dagaalanka Al-Shabaab.