Duqa Muqdisho oo la kulmay Madax ka socota Hay’adda UNDP

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa Maanta waxaa uu xafiiskiisa ku qaabilay  Madaxa sharciga ee hey’adda UNDP u qaabilsan arimaha Soomaliya Mss. Doel.

Kulan gaar ah oo ay yeesheen ayaa waxaa ay uga wada hadleen  iskaashiga Amniga Caasimadda iyo fulinta adeegyo muhiim u ah bulshada degmooyinka gobolka Banaadir

“Madaxa sharciga ee hey’adda UNDP u qaabilsan arimaha Soomaliya Mss. Doel oo maanta aqalka dowlada hoose Xamar nagu soo booqatay ayaan kawada hadalnay arima dhowr ah oo ay ugu muhiim sanaayeen iskaashiga Amniga Caasimadda iyo fulinta adeegyo muhiim u ah bulshada degmooyinka gobolka ayuu yiri” Guddoomiye Filish.