DSF oo Mareykanka kala hadashay dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xuluumadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta Magaalada Muqdisho waxaa uu kulan kula qaatay Safiirka Cusub ee Dowladda Mareykanka  ee Soomaaliya Danjire H.E. Larry André.

labada Mas’uul ayaa waxaa ay kulankooda uga wada hadleen xiriirka dhaqaale ee labada Dal iyo arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya iyo Arrimo kale.

Safiirka Dowladda Mareykanka  ee Soomaaliya Danjire H.E. Larry André ayaa sheegay in Soomaaliya ay kaalin weyn ka galeyso arrimaha ku saabsan dib u habeynta Maaliyadda si dalalka deynta ku leh ay uga cafiyaan.

Dhankiisa Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa uga mahad celiysy sida dowladda Mareykanka ay taageerada maaliyadeed iyo mid Amniba u siiso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Afartii sano ee la soo dhaafay ayaa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ay waday qorsho la xiriira sidii Soomaaliya deymaha looga cafin lahaa, waxaana Wasiir Beyle uu dhowr jeer sheegay in ay jiraan dalal deymaha ka cafiyay Soomaaliya.