Dowladda Turkiga oo sheegtay in ay xoojin doonta taageerada Ciidanka Soomaaliya

Dowladda Turkiga ayaa cambaareysay Qaraxii lala beegsaday taliyihii booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole.

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay si weyn uga naxday geerida taliyaha booliska gobolka Banaadir.

“Waxaan aad uga xunahay markii aan ogaanay in Gen. Farxaan Qarole uu naftiisa ku waayay weerar argagaxiso oo maanta dhacay. Waxaan tacsi u direynaa qoyskiisa, asxaabtiisa iyo shacabka Soomaaliyeed. Naxariistii Janno Allaha ka waraabiyo” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda Turkiga.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Dowladda dhexe.

“sii wadi doona taageerada  la dagaalanka argagixisanimo iyo awoodeeda oo dhan”