Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ciidanka xoogga dalka ay soo afjareen dagaalkii ka socday degmada Beled-Xaawo ee u dhaxeeyay Ciidmada Cabdi Rashiid Janan iyo kuwa Dowladda ay geysay degmadaasi Beled-Xaawo.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa sheegay in Ciidamada Kenya oo gacan ka helaya maleyshiyaad deegaanka ah ay dagaal kula galeen degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, isla markaana ay ku guuleysteen soo afjarida dagaalka.
Waxaa uu sheegay Wasiirka in Ciidamada dowladda Soomaaliya ay dagaalka ku qabteen ku dhawaad 100 maxaabiis ah oo ka tirsan kuwii soo weeraray degmada Beled-Xaawo, halka qaarkood ay dagaalka ku dileen.
Jubbaland ayaan weli ka hadlin warkaan kasoo baxay dowladda Soomaaliya ee ah in Ciidamdooda laga saaray qeybo kamid ah Beled-Xaawo oo ay xalay qabsadeen iyo in qaar kamid ah Ciidamada looga qabtay maxaabiis ahaan.



