Dowladda Soomaaliya oo lacago u Amartay fatahaada Afgooye

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa faray Wasaaradda maaliyadda in si deg deg ah loo bixiyo $500,000 (Shan Boqol oo Kun Oo Doollar) oo xukuumaddu ay u qorsheysay gurmad degdeg ah oo loo sameeyo dadka ay saameeyeen fatahaadaha dhibaatada badan ka geystay degmada Afgooye ee gobalka Shabeellada Hoose.

Amarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa daba socday kulan looga hadlayay xal u helidda fatahaada Afgooye oo  Xasan Cali Khayre uu Dhuusamareeb kula yeeshay madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa sheegay in sida ugu dhaqsaha badan lagu bixinayo lacagta si loogu guuleysto qorshaha naf-badbaadinta ah iyo u gurmashada kumannaanka qoys ee daadadku saameeyeen.