Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday qorshaha soo Xulista Xubnaha Baarlamaanka Jubbaland

Wasaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta waxa ay soo saartay Qorshaha soo Xulista Xubnaha Baarlamaanka 2aad iyo Doorashada Madaxweynaha ee Jubbaland 2019.

War kasoo baxay Wasaarada ayaa lagu sheegay in doorashooyinkii ka dhacay degaanada maamulka Jubbaland ee Madaxweynaha iyo Guddoonka baarlamaanka ay yihiin baadil sidaas darteed dowladda ay soo dhisi doono Guddi dib u heshiisiin ah.