Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Weerarkii Sinai

Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay Weerarkii shalay lagu qaaday Masaajid ku yaalla Waqooyiga dalka Masar,halkaasi oo ay ku dhinteen Dad badan.

Dad looga shakisan yahay in ay malayshiyo yihiin ayaa weerar bam iyo rasaas  loo adeegsaday ku qaaday masaajid ku yaalla gobolka waqooyiga Sinai ee dalka Masar iyaga oo dilay ugu yaraan 230 ruux, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dawladda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si adag u cambaareeyey Weerarkaasi, waxaana uu sheegay in uu ahaa mid argagixiso.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in xanuunka uu la qeybsanayo dowladda masar iyo ehelada dadkii qaraxaasi ku waxyeeloobay, waxuuna dadka dhintay uu alle uga baryey in Janadiisa uu ugu Bishaareeyo, kuwa dhaawaca ahna uu deg deg ku bogsiiyo.                                     .

“Aniggoo ku hadlaya magaceyga iyo kan Shacabka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya waxaan xanuunka la qeybsanayaa  dowladda Masar iyo shacabkeeda xanuunka iyo murugada ka dhalatay dadka sida arxan darrada ah loogu xasuuqay Masjidul Rowdah ee dalka masar ku yaalla, waxaan garab taaagan nahay  masar, waxaana ku garab siineynaa siddii argagixisada qeybo kamid aduunka dhibaatada ka wado uga adkaan laheyd, qaraxa maanta salaadda khudbada kadib ka dhacay Masjidul Rowdah waxay muujineysaa ficilada xun ee kooxaha Argaggixisada waana wax ka hor imaanayo diinta Islaamka ” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo