Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka jawaabtay go’aanka Kenya ku joojisay duulimaadyada tegi jiray iyo kuwa kasoo bixi jiray dalkaasi Kenya.
Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada Xukuumadda xilgaarsiinta Duraan Axmed Faarax ayaa sheegay in Kenya aysan jirin qoraal rasmi ah oo ay soo gaarsiisay dowladda Soomaaliya balse kaliya ay arkeen qoraalka kasoo baxay ee Maanta la baahiyay.
Wasiirka oo la hadlay Warbaahinta dowladda waxaa uu sheegay in wax lal yaabo ay tahay warka kasoo baxay dowladda Kenya maadaama Sadeex Cisho ka hor dowladda Soomaaliya ay shaacisay in la soo celiyay xiriirkii Kenya si labada dal si dadka deriska ah noloshooda ay caadi u soo noqoto.
Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya ay wado wadatashiyo kala duwan, isla markaana ay soo saari doonto go’aan u qalma tallaabada ay qaaday dowladda Kenya.
Go’aanka ay dowladda Kenya u joojisay duulimaadyadii Soomaaliya ayaa u muuqda mid dib u soo celinaya khilaafkii diblumaasiyadeed ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya, waxaana uu kusoo aaday xilli Maalin ka hor dowladda Soomaaliha ay shaacisay in uusan waxba iska bedelin Go’aankii lagu joojiyay in dalka la keeno khaadka Kenya.



