Weerar ku bilaawday qarax ayaa xalay ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama ee Magalada Muqdisho,kaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac una badan dad rayid ah.
Rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa galay Guri ay dad rayid ah degan yihiin oo u dhow Hotelka Maka-Almukarama,kuwaas oo saacado badan ka dagaalamayay,waxaana jira dadaalo ay ciidamada dowladda ku doonayaan inay kusoo afjaraan weerarkaas.
Marka laga soo tago khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee uu geystay qaraxaas ayaa hadana waxaa jira burbur hantiyadeed,sida Goobo Ganacsi oo ku yaalla halka qaraxa uu ka dhacay iyo Gaadiid farabadan oo goobta yaallay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama hadlin weerarkaas Maanta soo gaaray ee xalay ka dhacay Wadada Maka-Almukarama,hayeeshee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo tiro Xildhibaano ah ayaa tagay Isbitaalka Urdugaan Ex-Digfeer,iyaga oo dhiig u shubay dad dhaawac ah oo isbitaalka jiifaan.
In ka badan labaatameeyo ruux ayaa la xaqiijiyey in weerarkaasi qaraxa ku bilaawday inay ku dhinteen halka ku dhowaad 60 kale ay ku dhaawacmeen,hayeeshee laamaha amniga Soomaaliya aysan weli faah faahin ka bixin.



